Siyaasiyiinta kujira Doowlada Soomaaliya ee haysta Labada Dhalasho

Siyaasiyiinta haysta labada dhalasho
Siyaasiyiinta haysta labada dhalasho

Dalal badan oo ka mid ah kuwa dunida, lagama ogola in qofka xil dowladeed qabanaya, gaar ahaan xilalka sare uu haysto dhalashada dal kale. Hase yeeshee inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ee xilalka haya ama doonaya inay qabtaan ayaa haysta dhalashada waddamo u badan kuwa reer galbeedka.

Daraasad laga sameeyay Xildhibaanada Cusub ayaa sheegeeysa in 105 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Shacabka ay heeystaan Baasaboora  wadama kala duwan.

Website-ka Wakiil oo wax ka qora Doorashooinka ayaa shaaciyay tirada XIldhibaannada iyo Waddamada ay ka soo kala jeedaan,waxaana ay kala yihiin sida tan.

29-Ingiriis
22-Mareykan
10-Kenyaan
9-Canadian
7-Itoobiyaan
6-Holland
5-Norway
5-Sweden
5-Jabuut


iyo 7 Xildhibaan oo heeysta Baasaboorada Waddama Australia,Germeny,France,Dermanrk,Switzerland,Italy iyo Finland ,waxaana uu Baarlamaanka 10aad kaga duwan yahay kii hore;tirada Xildhibaannada heysta labada dhalasho,Haweenka oo ka badan kuwiii Baarlamaanka 9aad iyo Dhallinyarada oo ku badan Baarlamaanka 10aad ee cusub.

Dhinaca kale Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya David Concar, ayaa bogaadiyay in qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada cusub ay haystaan dhalashada Dalka Ingiriiska.

 

Haddaba, muxuu arrintan ka qabaa dastuurka Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.