Weerarkii Stanbul oo lugaha lasoo galay Gabar Soomaaliyeed

A Turkish policeman holds pictures of the suspected gunman behind the Reina attack [Reuters]
A Turkish policeman holds pictures of the suspected gunman behind the Reina attack [Reuters]
Ciidamada amaanka Turkiga ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerarkii bilowgii bishan ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku yaalla magaalladda Istanbul, laguna dilay 39-qof.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Masharipov ayaa waxaa xalay lagu soo qabtay Hawlgal ka dhacay Dhismooyin qaali ah oo ku yaalla Degmadda Esenyurt oo aan ka fogeyn magaalladda Istanbuul.

Ilaa 1,000 Askari ayaa loo xil-saaray baadigoobka iyo soo qabashada Ninkaasi oo muddo 2 isbuuc dhuumaalaysi ku jiray.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegtay in Eedeysanaha lala qabtay lala soo qabtay wiil uu dhalay oo 4-jir ah, Nin u dhashay dalka Karakhistan (Kyrgyzstan) iyo saddex haween oo u kala dhashay dalalka Somalia, Senegal iyo Masar.

Telefishinka Madaxa Bannaan ee NTV ayaa sheegay in Eedeysanaha iyo afarta kale su’aalo lagu weydiinayo Xarumaha Dhexe ee Boliska ee magaalladda Istanbul.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Istanbuul, ayaa la filayaa inuu dhawaan War Saxaafadeed ka soo saaro Hawlgalka lagu soo qabtay Ninkii ka dambeeyey Weerarkii bishan 1-dii ka dhacay Dhismaha lagu caweeyo ee Reina nightclub oo ku yaalla magaalladda Isbtanbul.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.