Dagaal u dhexeeya Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska maamulka Gobolada Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socoto Magaalada Cadaado.
Dad goobjoogayaal aha ayaa sheegaya in digaalka uu bilowday kaddib markii ay isku dayeen Ciidamada Nabad Sugida in ay joojiyaan kulan ay Golaha Deegaanka Galmudug ay ku la haayeen Magaalada Cadaado.
Rasaas xoogan ayaa hada laga Maqlayaa Magaalada, waxana la sheegayaa in uu hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Wali lama soo sheegin wax qasaaraha oo ka dhashay dagaaka soconaya, hase ahaatee arintan ayaa salka ku heysa xiisada siyaasadeed ee ka jirta gobolada Galmudug.
Xubnaha Golaha Deegaanka Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiye Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ay ku eedeeyee in uu ku fashilmay hogaaminta gobolada Galmudug.