Keating oo warqado u diray musharixiinta Madaxweynaha

Michael Keating, Wakiilka Ergayga Gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa warqado u kala diray dhamaan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan.

Qoraalka uu Keating u diray musharixiinta ayaa looga hadlayay doorashada Madaxweynaha ee dhowaan lagu wado inay dhowaan dhacdo

Warqada aan helnay oo uu ku saxiixan yahay wakiilka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in haddii musharax madaxweyne uu kusoo baxaa si musuq maasuq ah aanan la aqoonsan doonin dowladdaasi.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in la doonayo madaxweyne soo celin kara sumcaddii Soomaalida, xiriirka caalamka iyo kalsoonida beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxay ka dhigan tahay inay ka war hayaan dhaqaalaha iyo musuq maasuqa la doonayo in sanadkaan lagu soo doortaa hogaanka dalka afarta sano ee soo socoto.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.