Zidane oo ka hadlay rajadiisa ku guuleeysiga sadex Koob

25
Macalinka Real Madrid ee zinedine_zidane
Macalinka Real Madrid ee zinedine_zidane

Tababaraha Real Madrid Zidane ayaa sheegay in ku guuleeysiga sadex Koob uu yahay Hadaf uu macalin walbo tiigsado, waxaana uu xaqiijiyay in gaarida hadafkaas aan lagu gaari Karin si fudud ilaa in si adag loo shaqeeyo maahane.

Zidane ayaa hadalkaan ka sheegay shirkiisi jaraa’id ee manta kahor kulanka Beri ay kooxdiisa Real Madrid lugta 2-aad isku wajahayaan kooxda Seville kulan katirsan Copa Del rey.

“Hada kuma fikireyno arrimahaas, waxaan diirada saaraynaa hadba xaalada markaas taagan, ku guuleeysiga 3 koob waa wax qof walbo uu doonayo” ayuu yiri macalinka reer France.

Real Madrid ayaa ugu cad cad ineey Habeen dambe usoo baxdo 8 dhamaadka Koobka Del Rey, maadaama lugtii Hore ay Seville uga soo adkaadeen 3-0.

Dhanka kale Tababare Zidane ayaa sheegay in James uu Habeen dambe kulankaan ku seegi doono dhaawac yar oo kasoo gaaray Muruqa, halka C.ronaldo iyo Luka Modric iyagana la nasin doono, balse waxaa dib ugu soo laabtay Kabtan Sergio Ramos.

 

Comments