Wiilka C.ronaldo: “Aabo “Waxaad tahay kan ugu fiican adduunka.”

30
C.ronaldo iyo qoyskiisa
C.ronaldo iyo qoyskiisa

Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay Ballon d’Or sidoo kalena waxaa habeen hore loo caleemo saaray laacibka ugu fiican adduunka FIFA ee The Best isagoo abaal marinta ku garaacay Lionel Messi iyo xiddiga Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Hadaba Markii ay xafladu dhammaatay isla markaana Ronaldo la guddoonsiyay abaal marintiisa ayaa waxaa dhacday mar uu waraysi bixinayay sawirana laga qaadayay in wiilkiisa uu mar qura ku qeyliyay isagoo sare u haya abaal marinta aabihii “O melhor do mundo!” oo micnaheedu yahay: “Waxaad tahay kan ugu fiican adduunka.”.

Comments