Saacado qaali ah oo laga xaday Xafladii Habeen Hore ee FIFA Best

37
Saacado qaali ah oo FIFA laga xaday
Saacado qaali ah oo FIFA laga xaday

Saacado aad qaali ah u ah ayaa lagu xafladii Habeen hore abaalmarinta lagu gudoonsiiyay C.ronaldo, sidaas waxaa manta baahiyay Telefeshinka Caalamiga ah ee Al jazeera.

Xiriirka Kubadda Cagta aduunka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano FIFA, ayaa dacwad ku aadan saacadahan la xaday u gudbiyay Booliska dalka Switzerland.

Masuul u hadlay FIFA ayaa sheegay ineey dacwad u gudbiyeen Booliska dalka Switzerland, kuwaasoo baaritaano ku sameyn doona qaabkii loo xaday 6 kamid ah Saacadaha Hublot-ka, kuwaasoo loogu talagalay in la bixiyo Xafladii FIFA Best.

Saraakiisa Booliska Switzerland ayaa diiday ineey jiraan shaqsiyaad lagu tuhmayo ineey ka dambeeyeen falkaas xatooyada ah oo xaflada joogay.

Saacadahan la xaday ee lixda ah ayaa midiiba qiimaheeda waxaa lagu sheegay ($98000).

Saacadahaan lixda ah ayaa waxaa loogu tala galay in la gudoonsiiyo C.ronaldo oo ku guuleeystay xidiga ugu wanaagsan dunida iyo shaqsiyaad kale, balse intaan gacmahooda lagu xirin ayaaba la xaday.

 

Comments