Donald Trump oo wiil uu sodog u yahay u magacaabay jago sare

28
NEW YORK - OCTOBER 14:  Donald Trump and Ivanka Trump attend the "The Trump Card: Playing to Win in Work and Life" book launch celebration at Trump Tower on October 14, 2009 in New York City.  (Photo by Andrew H. Walker/Getty Images)
NEW YORK – OCTOBER 14: Donald Trump and Ivanka Trump attend the “The Trump Card: Playing to Win in Work and Life” book launch celebration at Trump Tower on October 14, 2009 in New York City. (Photo by Andrew H. Walker/Getty Images)

Madaxweynaha cusub ee Mareeykanka Donald Trump ayaa wiilka uu sodoga u yahay ee Jared Kushner u magacaabay la taliyihiisa sare ee aqalka sare.

Jared Kushner, ayaa wuxuu qaba gabadha uu dhalay Trump ee Ivanka Trump, waana 35 jir door weyn kasoo ciyaaray ololihii doorashada ee Madaxweyne Trump, waxaana horay loo hadal haayay in xilkaan uu qaban doono.

Jared ayaa shaqada uu aqalka cad ka qaban doono waxeey ku saabsanaan doontaa dibadda iyo gudaha Mareeykanka. sidoo kale Jared ayaa ah nin ganacsade ah kana shaqeeya mahsaariicda dhulka.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo magacaabista Jared Kushner oo ay ku tilmaameen ineey tahay “Qaraabo-kiil iyo is dhexgal dano kala duwan”.

This slideshow requires JavaScript.

Donald Trump ayaa horay wiilka uu sodoga u yahay ugu tilmaamay inuu yahay “Qof aad ugu weyn”, sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed oo weyn.

Donald Trump ayaa xilka madaxweynaha si rasmi ah waxaa loogu dhaarin doonaa 20-ka Janaayo, waxaana uu noqon doonaa Madaxweynihii 45-aad ee dalka Mareeykanka.

Comments