Xildhibaanada Galmudug oo kalsoonidii kala laabtay Madaxweyne Guuleed

35

Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug.
54-Xildhibaan ayaa Ogolaatay, cid kama aamusin, cidna ma diidin.

Waxaa xusid mudan in madaxda Galmudug ay kulankaan baarlamaanka u arkaan mid sharci daro ah oo baarlamaanku uu ku jiro fasax.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kulankaasi ka maqnaa.

Comments