Guuleed oo ka hadlay Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Galmudug

49

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug  ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mooshin ay ka diyaariyeen xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ugu baaqay inay ka laabtaan mooshinka cusub, wuxuuna sheegay in xiligan aysan haboobeyn in mooshin laga soo gudbiyaa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in marxalado adag ay ka jiraan deegaanada maamulka Galmudug, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto.

Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sidoo kale u jeediyay inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaateysan deegaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug oo ka careysan qoraal kasoo baxay madaxweyne Guuleed, ayaa ku dhawaaqay shalay inay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Galmudug.

Comments