Cosoble oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Baladweyne & Ku xigeenkiisa

32

Cali Cabdulahi Cosoble, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Guddomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii dhanka Maaliyada Muuse Cabdi Daahiye.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan Sheekh doon Faarax Waare

Cali Cabdullaahi Cosoble oo  haatan ku sugan magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu u magacaabay guddoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Axmed Ibraahim( Food cadde) halka uu Guddoomiye ku xigeenka degmada Baladweyne loo magaacabay Khadar Xasan Afrax,Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ayaa loo magacabay Ducaale Aadan Cabdi.

Comments