Muqdisho: Madaxweyne Xasan oo u digay madaxda maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fariin u diray madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku aadan in la dhaqan geliyaa hishiisyadii horey loo gaaray.

unnamed-3-7
Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflada furitaanka jaamacada Ummada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay madaxda maamul goboleedyada iney dhaqan geliyaan hishiis walbaa oo horey madaxda ay u gaareen.

Gudiyada doorashooyinka iyo khilaafaadka dadban ayuu sheegay iney garab taagan yihiin ayna ku qanci doonaan go’aanada ay gaaraan.

“Waxaan leeyahay mas’uuliyiinta jooga meelaha doorashooyinka ka dhacayaan wixii lagu heshiiyay yaan la dhinac marin, wixii lagu heshiiyay sidii loogu heshiiyay haloo raaco, yaan la dhinac marin, waxaan u qaadaneynaa wax walbaa oo lagu hishiiyay iney socon karaan”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in haddii la dhaqan gelin waayo wixii lagu hishiiyay iney imaan doonaan dacwo ,dood iyo waqti badan oo ka lumaa xiliga doorashada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qiray in qaladaad ka jiraan meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isagoo ku baaqay in la xaliyo qaladaadkaas.

“Qaladaad yar yar waa jiraan, waxay u baahan yihiin in la xaliyo, hadii qalad meesha doorashada ka socoto ka dhacay waxaa jira dad shaqada lagu aaminay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyaga laga rabaa meesha qaladka ka dhacay inay saxaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabashooyin badan ayaa ka soo kordhayay maalmihii la soo dhaafay deegaanada ay doorashada ka socoto, waxaana cabashooyinkaas isugu jiraan kuwo la xiriira musuq maasuq, boob, wax is daba marin, awood sheegasho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.