Daawo: Muxuu xasan sheeg u tagay Kilinka shanaad?

Safarka Xasan Shiikh ee jigjigaMadaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashada Madaxweynaha ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee taariikhda Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dhul Soomaaliyeed oo ay Itoobiya xoog ku haysato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda degaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud noqonaayo Madaxweynihii ugu horeeyay booqday dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa hadana waxaa Safarkiisa ku hoos dhuugan xogag badan halis ku ah Dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 4 Sano dhamaad u tahay ayaa halis u galiyay Mustaqbalka Soomaaliya soo laabashadiisa ee Mar kale in dib loo doorto , Madaxweyne Xasan Sheekh isla usbucan ka qeyb galay kulankii Madaxda Afrika Ee Adis Ababa ayaa imaaneyso in isla usbuucan booqdo Xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya Ee Jigjiga.

Gabre oo qeyb ka ahaa casha sharaftii Habeeno Hore Jigjiga loogu sameeyay Xasan Shiikh
Gabre oo qeyb ka ahaa casha sharaftii Habeeno Hore Jigjiga loogu sameeyay Xasan Shiikh

Sidoo kale Kulankii madaxda Afrika Ee Adis Ababa ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Kulamo la qaatay Madaxda Itoobiya laguna qanciyay in Jigjiga booqdo madaama Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) ka dhaadhiciyay Madaxda Federaalka Itoobiya in Ciidamada Itoobiya Ee Ka howl gala Soomaaliya lagu daro kuwa ka socdo Xarunta Jigjiga ee loo yaqaano Liyuu Booliis.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh dhaliyay shakiyo badan ayaa sidoo kale waxa ay ujeedka safarka yahay in Cabdi Iley kula soo heshiiyo in Ciidamada Liyuu Booliis loo yaqaano la keeno Muqdisho balse taas looga baahan yahay in Madaxweynaha Deegaanka uu kasoo dhaadhiciyo Madaxda Itoobiya si Ciidamo Liyuu Booliis loo geeyo Muqdisho arintan ayaana ah mid halis ah balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya kahor doorashada in la keeno Ciidamada.

Madaxweyne Xasan oo sheegay in Soomaalida galbeed ay Itoobiya kamid yihiin:

SONNA-7-640x427Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa afkiisa ka sheegay in Soomaalida galbeed ee Itoobiya xooga ku haysato ay kamid yihiin dalka Itoobiya, taasoo la yaab iyo amakaak ku noqotay Soomaalida dhamaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya in wax badan oo khibrad ah ay ka baran karto dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Wuxuu sheegay in gobalkaas ka midka ah Itoobiya uu Tusaalle u yahay Soomaaliya waxay ay maanta rabto, sidda uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado Jigjiga oo ah markii ugu horresyay oo booqasho uu ku tago isagoo horrey qeybo ka mid ah magaalooyinka kale ee Itoobiya booqday sidda Baxar-Daar iyo Makkale.

Halkan Hoose ka dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo wadajir saxaafadda la hadlay waxaana ay ku kala hadlayaan Af Ingiriis iyo af Xabashi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.