Jilib: al-shabaab oo toogatay laba nin

al-shabaabGelinkii dambe ee Sabtidii shalay, ayay Shabaabku Fagaaraha Degmada Jilib ku toogteen laba nin oo Soomaali ah, ka dib markii ay ku eedeeyen inay u basaasayen Dowladda Somaliya.

Nin degan Degmada Jilib oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay ay toogasho ka dhacday Fagaaraha Degmada Jilib.

“Jimcihii laba rag ah ayaa la dilay, Sabtidiina laba kale ayaa la dilay, kawaankaa la wada saaran yahay, Ilaahay hana mootiyo.” Ayuu yiri ninkan oo ka gaabsaday magaciisa.

Ninkan, ayaa sidoo kale sheegay in cabsi ay la soo deristay bulshada reer Jilib, isagoo intaa ku daray in xilliyada habeenkii ay Shabaabku dhageystan, dadka ku hadlaya teleefanada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.