Muqdisho: AMISOM oo mardhow ka baxaysa Stadio Muqdisho

<> on August 15, 2011 in Mogadishu, Somalia.
<> on August 15, 2011 in Mogadishu, Somalia.

Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho ayaa haatan waxaa aad ugu baahan gudiyada ciyaaraha Soomaaliya kuwaas oo u arka in baahi wayn loo qabo xiligaan.

Afhayeenka ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya Joe Kibet oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamada AMISOM dhawaan ay ka baxayaan garoonkaas.

“Waxaan kuu sheegayaa dhawaan in ciidamada AMSIOM ay ka baxayaan Stadium Muqdisho, laakiin ma ku dhihi karo waqtigaas saxda ah ayay ka guurayaan.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

Joe Kibet ayaa sheegay in ogaantiisa uu ka warhaayo guutada ciidamada ah ee hada dagan halkaas loo diyaarinayo inay ka baxaan oo meel kale la geeyo.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa dhawaan tagay garoonkaas waxaana ay sheegeen in Stadium Muqdisho uu muhiim u yahay cayaartoyda Soomaaliya dowladduna ay ku dadaalayso in dib u dhis lagu sameeyo.

Garoonka ayaa ah mid balaaran wuxuuna ka koobanyahay qaybo, sida qaybta Kubada Cagta, Kolayga, Dabaasha iyo qaybo kale oo muhiim ah, waxaana arintaan ay ku soo aadaysaa iyadoo haatan tartamada Kubada Cagta lagu qabto garoonka Banaadir oo kaliya.

Xigasho: SONA

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.