Hiiraan: Al-Shabab oo Weerartay Saldhigga ciidamada Itoobiya ee Halgan

ethiopia-amisomWararka aanu ka helnay goobjoogayaal ayaa sheegaya in Al-Shabab ay weerareen tuulada Halgan, waxaana weerarka uu ku bilowday qarax ismiidaamin ah.

Qaraxan ismiidaaminta ah kadib ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay weerar loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ay ku qaadeen saldhigga.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo xaaladda saldhigga Itoobiya ee Halgan.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo magaciisa qariyey ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo gaadheen cidhifka saldhigga Itoobiyaanka oo ku yaalla Koonfurta tuulada, ayna kasoo weerareen laba dhinac oo kala ah Bariga iyo Waqooyiga.

Waxa uu sarkaalkaasi sheegay in ciidamada Itoobiya ay u babacdhigeen maleeshiyada Al-Shabab, waxana uu intaasi ku daray in diyaarado helikobtarro ah ay usoo gurmadeen ciidamada Itoobiya.

Saraakiisha Soomaalida ah ayaa sheegay in maleeshiyaad badan laga dilay Al-Shabab saxaafaddana ay usoo bandhigi doonaan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.