Minnesota: Sahra Noor oo u ololeyneysa sharci lidi ku ah Soomaalida

13245886_987108514700943_2085520670_n
Sahra Noor

Shirkadaha wax Turjuma iyo turjumaanada gobolka Minnesota ayaa isku mawqif ka taagan, sharciga cusub ee dhawaan la horgeeyey golaha sharci dejinta, sharcigaas oo ay ka danbeeyaan Sahra Noor oo ah gabar somaliyeed oo madax ka ah rug caafimaad oo la yiraahdo People’s Center oo ku taal Minneapolis, iyo Group loo yaqaan ISG,.

Sahra Noor ayaa ku caan baxday in ay bahdil iyo dagaal joogto ah ku hayso turjubaanada khaasatan somalida. Waxayna ku tilmaantaa dad aqoon iyo garasho liita,

Waxaa kale ooy ku dooday in sharcigaan ama mooshinkaan lagu sii adkeeyo turjumaanada, iyadoon wax lacag kordhin ah loo samayn.

Sahra Noor ayaa iyadu la dhalatay Ilhan Omar oo ah gabadha Somaliyeed ee u tartamasa state Representative xaafada somalidu ku badan tahay ee 60B

Arintaan ay ilhan walaasheed samaysay ayaa waxaa aad uga carooday somalida ku nool gobolka Minnesota taasoo laga yaabo inay dhibaato ku keento doorashadeeda iyadoo awalba aan haysan kalsoonid shacab badan ayaa hadana waxay niyad jab ku keentay intii yarayd ee taageersanayd.

Ugu dambeyn Soomaalida ku nool Minnesota, ayaa qorsheynayaa banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Ficilada Sahra Noor.

12992742_987109134700881_984644623_n 13228105_987108384700956_640922694_n 13233197_987109384700856_1094321083_n 13235890_987108968034231_475273402_n

13245894_987109328034195_1390265508_n

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.