Video-Booliska Italy oo xir xiray muqalasiin Soomaaliyeed

Booliska Italy oo xirxiray muqalasiin Soomaaliyeed
Booliska Italy oo xirxiray muqalasiin Soomaaliyeed

Booliska Talyaaniga ayeey u suuragashay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxo Soomaali ah oo dadka doomaha kusoo gala xeebaha dalkaasi usii gudbiya dalalka kale ee Yurub, iyagoo lacago ka qaata qoysaskooda.

Todobo qof oo shan ka mid ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa howlgalkaasi oo loogu magac daray “Somalia Express” lagu soo qabtay, halka labada nin kale ay u dhasheen dalka Talyaaniga, kuwaasi oo ahaa waayeello la shaqeynayay dhalinyaradaan.

Sidoo kale, howlgalkaan oo ka dhacay magaalada Catania ayaa waxaa lagu soo furtay dumar iyo dhalinyaro loo haystay in ay qoysaskooda bixiyaan lacago loogu sii gudbiyo Yurubta kale.

Kooxahaa isku xiran ee dadka tahriibiya ayaa magacyadooda kala yihiin, Ismail Abdi, 24 jir, Mahamed Mahamud Adam,25 jir, Mohamed Nour Abdi oo 29 a jiro, Dahir Abdullahi Gure di 27 anni, Yassin Mahamud Farah di 29 anni iyo muwaadiniin u dhashay Talyaaniga oo lagu kala magacaabo Salvatore Pandetta 62 jir iyo  Sebastiano Longhitano oo 64 jir.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.