Faah-Faahin ku saabsan shirka Stanbul

Shir looga hadlaayo arimaha Soomaalida oo Stanbul ka furmay
Shir looga hadlaayo arimaha Soomaalida oo Stanbul ka furmay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa  maanta si rasmi ah u furay shirka madasha 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka Soomaaliya.

Madasha HLPF ayaa waxaa martigelinaysa dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana ka qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, raysal wwasaaraha, xubno ka tirsan golaha wasiirada, madax ka socota maamul goboleedyada qaar, xildhibaano iyo ergo ka socota 50 dal iyo hay’ado caalami ah.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay barnaamijka cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013.

Barnaamijka cahdiga cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaaa sanadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.

Madasha heerka sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiradda la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay door muuqda ka ciyaaraan taageerida Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.