Guurka Qarsoodiga oo Muqdisho ku soo badanaya

71

MuqdishoMagaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa aad ugu soo badanaya guurka qarsoodiga ee loo yaqaano (Khudbo Siraha).

Guurkan ayaa ah mid aan si rasmi ah loo shaacineynin, waxaana labada qof ee gabadha iyo ninka ay ku heshiinayaan in ay is guursadaan iyagoo aan cidna u sheegin ama loo shaacin si la mid ah guurka la yaqaano.

Dhowr qof oo ay ku jiraan dumar xog ogaalna u ah guurkan khudbo siraha ayaa u sheegay Shabakadda Soomaalikabe.com in guurka noocan uu hadda aad ugu badan yahay caasimadda.

Maxaa keenay guurkan?

Sidda ay lee yihiin dadka aan wareesanay, guurkan ayaa ah mid horrey u jiray balse hadda aad u soo kordhay isla markaana caan ka ah Muqdisho oo dhan.

Qof ka mid dadka noo warramay ayaa sheegay in guurkan ay hadda u badan yihiin ragga ku jira hey’addaha dowladda, ganacsatada iyo askarta dowladda, kuwaasoo aan fursado badan u heli karin xaasaskooda ama aan u tagi karin sababo la xiriirka ammaanka siddaas darteedna gabdhaha guur qarsoodi ah la sameeya.

“Waxaa arkeysaa gabar leh hal cunug oo lagu furay, si u hesho masruufka ilmaha yer waxay soo degaysaa gurri kiri ah kaddibna waxay is baranayaan nin ka tirsan dowladda ama ganacsato ah isagoo u sheegaya in uu rabo in ay is guursadaan balse guurkaas uu noqdo mid qarsoodi ah, maalintii uu rabo ayey u tageysaa lacag biilna wuu siiyaa” ayey tiri gabar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah guurkan.

Wiil xog ogaal u ah isna guurkan ayaa siddan sheegay “Anniga waxaan arkay rag badan oo aan aqaano kana tirsan dowladda oo gabadhaha ku guursada guurkan Qarsoodiga ah, maadama xaasaskooda ay dibadda jiraan ama aaney u tagi karin sababo la xiriira xagga ammaanka, waxay doorbideen in ay sameestaan gabdho kale oo aan la ogeyn kuwaasoo ay u sheegeen in ay siinayaan lacag isla markaana maalinta ay u baahdaan u yeerta, kuwaasoo ugu taga hotelo ama xaafado u dhow goobaha dolwadda ay deggan tahay”

Shareecada Islaamka maxay ka qabtaa guurkan?

Diinta Islaamka waxay qabtaa in qofka hadduu bixin karo masruufka qoyska in uu guursado si looga dhowrsanaado zinada, waa tan nabigeena suuban nabadgalyo korkiisa ha yeelee uu yiri “Qofka ha guursado haddii uu karo haddii kale ha iska soomo”

Marka diintu waa mamnuucday in guur qarsoodi ah la sameeyo rag iyo dumar midka uu ahaado, waxaana halkaas ku soo badanaya wax yaabaha xun-xun ee diinta naga reebtay.

Guurkan intee ayuu nooga yimid?

Sidda ay lee yihiin dadka xog-ogaalka u ah guurka khudbo sirada ee hadda ku soo batay Muqdisho waxaa laga keenay Itoobiya iyo Kenya, maadama halkaas ay tageen Soomaali badan oo ka carartay dalka.

Dumarka iyo ragga waddamada ku sugan ayaa la sheegaa in ay halkaas u tageen arrimo dhoof ama tahriib, marka qaar badan waxay ku heshiiyaan in ay is-guursadaan isla markaana aan loo sheegin qoysaskooda ama saaxibadood, maadama ay yihiin dadka socoto ah.

“Waxaan arkay dumar badan oo carruur looga dhalay guurkan khudbo sirada kuwaasoo ku nool Nairobi , raggiina ay is waayeen markii ay waddamada Yurub ama Mareykanka u dhoofeen” ayuu yiri wiil ka yimid Kenya.

Siddaas si la mid ah waxaa jira dumar ka dhoofay ragoodii markii ay is guursadeen kuwaasoo aaday Yurub ama Mareykanka, carruurtiina waa looga tagay.

“Inta badan Soomaalida Kenya iyo Itoobiya ku nool waa kuwa raba in ay u sii gudbaan waddamada kale ee Yurub ama Mareykanka, waxaa dhacda in gabadha iyo wiilka marka ay is bartaan ay is guursadaan iyagoona u sheegeynin qoysaskoodii ay ka soo tageen, marka guurkan caan ayuu ka yahay Kenya iyo Itoobiya” ayey tiri gabar ka timid Itoobiya.

Sidoo kale dad kale ayaa noo sheegay in ay jiraan gabdho qoysaskooda ay u heestaan in ay gabdho yihiin balse aan gabdho ahayn yacnii sameeyay guur qarsoodi siddaasna ay ku waayeen gabarnimadoodii.

Markii horre

Markii horre guurkan waxaa sabab u ah wiilka ama gabadha ayaa dhaqaale heesan ama la isku diiddan yahay si markaas ay riyadooda ay uga dhabeeyaan waa ay is masaafeestaan iyagoona cidna u sheegin siddaasna ayey guur ku galaan mar dambe ayaana la maqlaa, balse kan waa ka duwan siddaas oo mid hadda caan ka ah Muqdisho.

Ugu dambeen dadka xog-ogaalka u ah arrimahan waxay lee yihiin tani waxay keeneysaa fasahaad iyo raad xun haddii dalka ay ku bataan guurka qarsoodiga waxaana yaraan guurka la shaaciyo.

Xigasho: Soomaalikabe.com

Comments