Dhagayso: Somaliland oo u jawaabtay dowladda Soomaaliya

download (2)Maamulka Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay go’aankii shalay kasoo baxay Doowlada Soomaaliya ee sheegayay in la joojiyay duulimaadyadii u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo wariyaha VOA ee Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac u waramay ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sheegay in Somaliland aanay waxba ka baddalaynin go’aanadii ay hore uga soo saartay isu socodka labada dhinac.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan joojin doonin diyaaradaha ka baxaya Hargeysa ee tagaya Muqdisho, balse dowladda Soomaaliya ay ayada u taal, haddii ay dadkaas dib usoo celineyso iyo haddii kale.

Dhinaca kale Wareysi uu siiyey VOA-da, taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Gaafow, waxa uu ku sheegay in soo saareen amarkan kadib markii Somaliland ay billowday bixinta warqad “Go Home” ama “Dalka Ka bax” ah oo la siiyo dadka soo aadaya Muqdisho, kuwaas oo 15 dollar qofkiiba looga qaado.

Cabdullahi Gaafow ayaa sheegay in in muddo ah u dul qaadanayeen dhibaato uu sheegay in Somaliland ay ku hayso shacabka usoo safraya Muqdisho, balse aysan intaa ka badan dul qaadan karin.

Halkan ka dhagayso Jawaabta Somaliland:

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.