Xildhibaano abaabul ugu jira diidmada natiijadii kasoo baxday shirka Madasha.

Baarlamanka Spoomaaliya
Baarlamanka Spoomaaliya

Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, ayaa abaabul xooga ugu jira sidii ay ugu qancin lahaayeen badanaa mudanayaasha diidmada natiijadii kasoo baxday shirka madasha wadatashiga ee maalmo kahor ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu go’aamiyay qaabka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta.

Heshiiskan oo ay taageertay Beesha Caalamka islamarkaasina ay ansixiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya, ayaa waxaa si weyn u mucaaraday maamulka Puntland iyo qaar kamid ah Mudanayaasha Baarlamanka.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari, ayaa waxaa kujiray in Baarlamanku uusan marnaba ansixin doonin Heshiis qabyo ah oo aan loo dhamayn.

Warar hoose ayaa sheegaya in Gudoomiye Jawaari uu koow ka yahay ololaha ka dhanka ah heshiiskan ee ka dhex socda Baarlamanka, waxaana loo sababeeynayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay gudoomiyaha iyo Madaxweynaha, kadib markii uu Madaxweyne Xasan kahor yimid qorsho uu watay Jawaari kaasoo ahaa in mudo kordhin 2 sano ah loo sameeyo Baarlamanka hada jira.

Baarlamanku ma diidi karaa heshiis ay beesha Caalamku taageertay?

Dhibaatada ugu weyn ee haysata Xilidhibaanda wada ololahaan ayaa ah in Beesha Caalamka ay si buuxda u taageertay natiijada shirkii Madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorasho ee Soomaaliya islamarkaasina Golaha amaanku soo dhaweeyay.

Ilaa iyo hada lama oga xiliga la horgyn doono Baarlamanka heshiiskan, balse waxaa la wada ogyahay in marka xiligaan kala guurka ah la gaaro oo kale in Baarlamanka markaas jira laga dhigo mid howlgab ah oo aan shaqeyn.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.