Kenya oo shaki ka qabta in ciidamada Milatariga Soomaaliya ku lug lahaayeen weerarkii Ceel-cade

Ciidamada milatariga Soomaaliya
Ciidamada milatariga Soomaaliya

Wargeyska Standard ee kasoo baxa dalka Kenya, gaar ahaan Caasimadda Nairobi, ayaa maanta daabacay in gudiga baarista ciidamada Kenya ee weerarkii Ceel-cade, ay tuhmayaan in ciidamada Xooga dalka Soomaaliya qeybtooda Gedo ay ku lug lahaayeen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cade, weerarkaasoo lagu dilay in kabadan 100 askari.

Weerarkii Ceel-cade oo dhaliyay khasaaro xoogan oo soo gaaray ciidamada Kenya, ayaa dhaliyay su’aalo dhowr ah oo si toos ah ciidamada Soomaaliya ugu eedeeynaya ineey ku lug lahaayeen weerarkaas.

Wargeyska Standard ayaa daabacay, in ciidamada Soomaalida ay saldhig ku lahaayeen meel u dhow saldhiga ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel-cade, kuwaasoo isaga baxay saldhiga inta aanu weerarka dhicin kahor.

Su’aalaha gudiga baarista raadinayaan waxaa kamid ah:

  • Weerarka ku bilowday xaruuntii is-gaarsiinta ciidamada Kenya iyo cida bixisay sirtaas.
  • Baarista xiriirkii u dambeeyay ee dhex maray taliyaasha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya kahor weerarka.
  • Tallaabada ay qaadeen taliyaasha ciidamada Soomaalida markii weerarku dhacay.
  • Sidee ciidamada Soomaalida uga baxeen saldhigooda kahor weerarka.

General Samson Mwathethe, oo ah abaanduulaha ciidamada Kenya, ayaa xaqiijiyay weerarka koowaad oo qarax ahaa in lala beegsaday xaruuntii taliska iyo isgaarsiinta ee ciidamada Kenya, taasoo keentay in ciidamada la weeraray ay samayn waayaan wax xiriir ah oo ay ku dalbanayaan gurmad.

1 COMMENT

  1. cadawgeenu waa yaqaanaa in aan cadaw u nahay marnabana ma rumeysanaayo in soomaali saaxiib noqo karo laakiin anagaa ah sidii umushii ilowshe dhawe aan kala aqoon cida cadawga u ah,taasina maanta waxeey ku cadahay hadalkaan ka soo yeeray kenyo ee lagu eedeynaayo ciidankeena.
    hadaan nahay soomaali waa in aan indhaha kala qaadno una xirxirano si aan ciidankeeni u dhisano waayo cida kaliya ee cadawgaan hor istaagikarto waa ciidankeena marka soomaaliyeey waa inaan dowlada garab istaagno si aan uga kaaftoono cadawku tiirsanaan.
    kenyo iyo itoobiyo waa cadawga soomaali ugu weyn waxeeyna iila badantahay ineey iyagu shabaab wadankeena ku beereen qaasatan itoobiyo si aan wadankeenu waligiis u dagin ayna khayraadkeena u boobaan,marka waa inaan meel iska dhigno gobolaysi iyo madaxnimo u dirir una soo jeesano in aan wadankeena difaaciisa xoojisano taas oo ku imaaneyso in ciidankeeni xoogga lasaaro dhisidiisa iyo xoogeyntiisa si ow usoo afjaro amaan la,aanta wadankeena ka jirtay mudada dhowrka iyo labaatanka sano ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.