Soomaali dilay Gabar Sweden u dhalatay oo maxkamad lasoo taagay

Soomaali ku eedeeysan inuu dilay Gabar Sweden u dhalatay oo maxkamad lasoo taagay
Soomaali ku eedeeysan inuu dilay Gabar Sweden u dhalatay oo maxkamad lasoo taagay

Wiil Soomaali ah, ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden,wiilkan ayaa loo haystaa dilka Alexandra Mezher oo ahayd gabar 22 jir ah oo u dhalatay dalka Sweden.

Wiilkan oo magaciisa ku sheegay Yuusuf Khaliif Nuur ayaa su’aalo ay weydiisay maxkamad isagoo tarjubaan Soomali ah la joogay, hase yeeshee lama hayo wax cadeyn ah in wiilkan uu yahay Yuusuf Khaliif Nuur kana yimid dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkan uu diiday in uu ka jawaabo su’aalaha la weydiiyay waxayna maxkamadu amartay in dacwadiisa qol xiran lagu dhagaysto.

Si kasta ha ahaateeYuusuf Khaliif Nuur ayaa maxkamadu xukuntay in la sii hayo illaa iyo 11ka bisha Febraayo ee sanadkan lana soo dhamaystiro baaritaanadiisa.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa ku jirey dhismo lagu xanaaneeyo carruurta magangalyo doonka ah oo aan waalidkood la socon, waxana la sheegay in halka uu ku noolaa ay ahayd meel loogu talogalay carruurta aan maskaxdooda caadiga ahayn.

Wiilkan lagu eedeynayo dilka gabadha u dhalatay dalka Sweden ayuu adeegsaday mindi waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay baarayaan taariiqda dhalashadiisa maadaama la sheegay in wiilkan uu leeyahay gar iyo shaarubo.

 

1 COMMENT

  1. Rabshadda qaxootiga looga soo horjeedo waxaa ka dambeeyo yahuudda Oo ah kuwa inta badan mediyaha si qaldan u isticmaalo, iskuna diro dadka dalka u dhashey & dadka magangelyo doonka ah. WAA MEEDIYAHA KUWA ABUURO JINSI NACEYBKA,DIIN NACEYBKA ( ISLAMAPHOBIA), &  MAGANGALO NACEYBKA KA DHANKA AH MUHAAJIRIINTA MAGANGELYO DOONKA AH EE U HAYAAMEY QAARADDA AAN U QALMIN IN QOYS SOMALI AH & QERKIIS KU NOOLADAAN.

    Waxa loo baahan yahay, in la wacyigeliyo soomalida ku dhaqan sweden iney taxadar dheeraad ah muujiyaan, xiloyadda la iskugu yimaado goobaha dadka ku caweeyaan, goobaha cibaadada iwm.

    Xiliyaddii Habeenkii Guryahoodan aysan ka bixin, haddii aysan jirin daruuf adag.

    Arinta kale, imissa goor aya lagu dilay dhalin yaro Soomaali ah dalka sweden & dalalka kale ee europe. Maxa soomaalida oo keliyah ka dhigey looma ooyaan.. waa in hadda wixii ka dambeeyo dowladdaha yurup,america & australia & south afrika lagala xisaabtamo qofkii soomaali ah ee lagu dilo dalalkaasi.

    GUNAANADKII, Waxa suuro gal in wiilka laga been sheegay, ee uusan ka dambeyn falka loo geystay gabadha. Marka waa in sidoo kale aan lagu haleyn xal u helidda arintaan  dadka eedeynaya wiilka soomaliga ah, balse la helaa dad soomaali ah oo dhex dhexaad u ah labadda dhinac..si aan wiilkaasi soomaliga ah xaqiisa & xoriyadiisa shaqsi loogu tagri falin.

    Waad mahadsan

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.