Madoobe: Go’aankii kasoo baxay shirka Muqdisho waa leygu qasbay

Ahmed Mohamed Madobe, leader of the Ras Kamboni militia, speaks during a meeting for the creation of a State of Jubaland in Kismayo on February 28, 2013. AFP PHOTO / MOHAMED ABDIWAHAB
Ahmed Mohamed Madobe, leader of the Ras Kamboni militia, speaks during a meeting for the creation of a State of Jubaland in Kismayo on February 28, 2013. AFP PHOTO / MOHAMED ABDIWAHAB

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo kaddib markii uu ku tagay Muqdisho ayuu sheegay in shirkii Muqdisho ka dhacay go’aanka ka soo baxay lagu qasbay. isagoona si cada ah u sheegay in ay ku qasbeen beesha caalamka.

Wuxuu beesha caalamka ku eedeeyay in ay ku qasabtay  madaxda maamul goballeedyada in ay taageeraan go’aanada ka soo baxay oo ay wadatay sidda uu yiri dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ku cel-celiyay in Jubaland ay shirka la tagtay in aqalka hoose lagu soo xulo qaab degmo, halka aqalka sarana lagu soo doorto qaab gobal, balse aysan midna usoo suuragalin.

Hadalka madaxweynaha Jubbland ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley magaalada Boosaaso uu mar kale ka sheegay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas in go’aanka ka soo baxay shirkii Muqdisho uu hordhigi doono shacabka reer Puntland maadama wax yaabaha ay horrey ugu direen aaney ku soo arkin Muqdisho.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.