Shir xasaasi ah oo waxgaradka Hiiraan uga furmay Beled-weyne

Waxgaradka Hiiraan
Waxgaradka HiiraanDCIM100MEDIA

Magaalada Beled-weyne oo ah caasimada Gobolka Hiiraan, ayaa saakay waxaa shir xasaasi ah uga furmay waxgaradka Beesha Xawaadle.

Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,. ayaa lagu soo waramayaa inuu waxgaradka Beesha isugu yeeray shir xasaasi ah oo ay uga hadlayaan shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Jowhar ka furmay, kaasoo hakad kujiray maalmahaan.

Beesha Xawaadle oo gadood siyaasadeed uga baxday shirka Jowhar, ayaa shirkan saakay ka furmay Beled-weyne dooneysa ineey go’aan mideysan ka qaataan.

Shirkan saakay ka furmay Beled-weyne, ayaa waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano,wasiiro, Qurbajoog iyo waxgaradka kasoo jeeda Beesha Xawaadle.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.