Madaxda dalka oo maanta ereyo kul kulul isku weeydaarsaday shirka Madasha

Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe
Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe

Madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka qeyb galaya shirka madasha wadatashiga ee ka socda Madaxdtooyada (Villa-somalia), ayaa lagu soo waramayaa ineey maanta shirka isku weeydaarsadeen ereyo aad u kul kulul.

Madaxda qaar ayaa adeegsaday ereyo qabyaalad qayaxan ah, iyagoo aan waxbo iskula harin.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa intii uusan u dhoofin Kenya, Khudbad uu shirka ka jeediyay ka dhigtay mid cakiran, taasoo keentay in madaxda maamul goboleedyada ay iyagana ka daba qaataan islamarkaasina mid walbo u hadlo afkeeygaa furan.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa go’aamiyay qodobadan soo socda:

  • In aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu qeybiyo qaabka 4.5.
  • In aqalka sare lagu saleeyo qaab maamul goboleed.
  • In Somaliland iyo Puntland aqalka sare ee Baarlamanka laga siiyo 3 xubnood oo dheeraad ah.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa go’aanadaas 3 da qodob ah uga dhawaaqay shirka, intaas kadib ayaa waxaa shirka ka hadlay madaxda maamul goboleedyada, kuwaasoo dhamaantood kahoryimid qodobada ay go’aamiyeen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Hadaan ku hormarno Mahad Cabdala Cawad, oo ah gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka, ayaa Khudbadiisa ku sheegay in labada masuul ee Doowlada ugu sareysa aysan go’aan kaligood qaadan karin, oo ay mudantahay go’aan nuucaas ah inuu golaha wasiirada soo maro.

Cabdi Wali Gaas: Madaxweynaha maamulka Puntland oo isna shirka ka hadlay, ayaa si kulul uga hadlay go’aanka labada masuul, waxaana uu sheegay inaanu jirin go’aan loo gaari karo maamulada dalka kajira, wuxuuna Gaas si cad u yiri:

“Go’aan Muqdisho lagu gaaray ka socon maayo Garowe”.

Axmed Madoobe: Madaxweynaha maamulka Jubbaland,oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadiiba Madaxda Doowlada ay go’aan gaareen aanan loo baahneen in shir laysugu yimaado, taas badalkeedana ay ahayd, in go’aanka la gaaray saxaafada laga baahiyo, sidaasina lagu fuliyo amarkaasi.

Shariif Xasan: Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, ayaa isagu si ka duwan uga hadlay go’aanka madaxda DF, waxaana uu dood ka keenay xubnaha dheeraadka ah ee aqalka sare loogu daray maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana uu ku dooday shariifka in hadiiba tiro loogu darayo uu isagu ka mudanyahay, maadaama maamulkiisa uu ka koobanyahay 3 gobol, halka maamulada lasiiyay ay gobolo badan haystaan.

Cabdikariim Guuleed: Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, ayaa isna dhankiisa sheegay inaanu ku qanacsaneen go’aanka madaxda DF ay gaareen, islamarkaasina uusan aqbaleen wax ka baxsan nidaamka 4.5 nuuc kasta oo Baarlamanku yahay aqal hoose ama aqal sare .

 

2 COMMENTS

  1. safiir afkaada caano lagu qabay illaahey waxoow yiri anigu waxaan ahay qofkastaahi waxoow iga maleysto waa xadiisu alqudsi ow illaahey ku muujiyay hadii qofku illaahey khayrka rajeeyo inoow niyadiisa u aqbalaayo, marka walaalka maqaalkaan qoray waxaan leeyahay illaahey hanoo qabto qalbigaada wanaagsan, madaxda qarankana allaha waafajiyo ineey ka faa,iideystaan fursadaan dahabiga ah isuna tanaasulaan si wadankeena iyo shacabkeenaba dani ugu jirto.
    waxaa la yiraahdaa ninkaan tashan waa loo taliyaa,waa ineey madaxdeenu taas fahmaan soomaaliyo waxeey qabtaa cadaw har iyo habeen soo jeedo marka waa inaan taas ku baraarugno iskana ilowno kala qaybsanaanta na dhaxtaal oo aan fiirino danta guud iyo karaamada ummaddeena oo ku jirto MIDNIMO,ISU TANAASUL WALAALNIMO.

    shacabkeena waxaa waajib ku ah ineey duceystaan madaxda u duceeyaan iyagu dhaxdooda intii tabar yar isu gargaaraan

    illaahey waxaan ku faraxno haka soo yeeriyo madaxda qaranka.

  2. Waxaan rajeyneynaa in shirka madasha wadatashi ee Muqdisho noqdo, Midkii Shacabka Soomaaliyeed u horseedi lahaa, dowladnimo buuxda,Midmino,Cadaalad & horumar.

    Madaxda Qaranka soomaliya, fursadda ay hada heystaan waa mid dahabi ah oo aan weligeed soo mari doonin. marka waxaan u rajeynaya iney u tanaasulaan Shacabka Soomaliyeed ee aan dhamaanteen aragno Xaaladdaha Adag oo ay sugan yihiin Dal & Dibadd ba, si dhibka,colaadaha,gaajadda,Barakaca,Qaxootinimada iwm. looga baxo, Waxan filaya in madaxda Qaranka ay qaadan doonaan Go’aamadda ku qotomo isku tanaasulid,

    Waxaan rajeynayaa in laga gudbi doono, Shacabka soomaiyeed na ay heli doonaan Dowladd Dhab ah oo dal & Dibadd ba, soo Celiso Sharafta iyo karamadda shacabka Soomaaliyeed.

    Nabadda & Dowladdnimadda waa furaha Horumarka, Shacabka Soomaliyeed waxaan rajeynayaa iney helan Nabadgelyo & Dowldnimo Taam ah oo ka samato bixisa Colada,Gaajadda,Dagaalada,Baakaca,Biyo l’aanta..

    Dowladd wanagsan oo u horseeda, Barwaqo,Nabadgelyo, mdnimo, cadalaad & horumar. Aamin.

    W/T

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.