Dhagayso: Shirka Madasha Oo U Dhow In Lagu Heshiiyo

Shirka Madasha wadatashiga
Shirka Madasha wadatashiga

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho, ayaa hakad ku jira, waxaana socda shirar gaar gaar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo muhiim u ah shirka ayaa dalka ka maqan, waxaana socda shirar gaar ah oo ay lee yihiin xubnaha ka qeyb galaya shirka ee maamul goboleedyada.

Shirarkan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating iyo xubno kale oo beesha caalamka ka socda.

Sida aan ku heleyno warar hoose, waxaa jira heshiis horudhac ah, waxaana ay u badan tahay in la isku raaco in 4.5 lagu soo xulo baarlamanka, halka aqalka sarena lagu soo xuli doono 18-ka gobol ee Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso wararkii ugu dambeeyay shirka Madasha:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.