Muqdisho: Shirka wadatashiga oo markale bur buray

Ahirka madasha wadatashiga
Ahirka madasha wadatashiga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya inuu bur buray shirkii Madasha wadatashiga ee Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada uga socday Villa-somalia.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaan wakiilada Beesha Caalamka, sida wakiilka QM iyo danjiraha Imaaraadka, ayaa lagu kala kacay, kadib markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh cod dheer ku sheegay inuusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisa ah, in doorashada dalka ka dhici doonta 2017 lagu saleeyo nidaamka 4.5

Madaxweyne Xasan, ayaa goobta ka sheegay in madaxda maamul Goboleedyada aysan iyaga ahayn kuwa hagaya siyaasada dalka iyo Doowlada, waxaana uu ugu baaqay ineey kusoo daba feylaan Doowlada Federaalka.

Wakiilada Beesha Caalamka, ayaa la sheegay ineey shirka isaga baxeen, waxaa sidoo kale shirka isaga baxay Gaas iyo Axmed Madoobe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa..

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.