Khasaaro intee la’eg ayay Kenya ka dhaxashay Fara gelinta Soomaaliya?

Ciidamada Kenya (KDF)
Ciidamada Kenya (KDF)

5 sano ayaa kasoo wareegatay markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen dalka Soomaaliya, waxaana tan iyo wixii markaas ka dambeeyay gudaha Kenya ka dhacay weeraro kala duwan oo ay dad badan ku dhinteen, hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Tirakoobka Khasaaraha ka dhashay weeraradaas oo ay masuuliyadooda Al-shabaab sheegatay.

  • Sanadkii 2012 weeraro ka dhacay gudaha Kenya waxaa ku dhintay 51 ruux.
  • Sanadkii 2013 weeraro dhacay waxaa ku dhintay dad gaaraya 88 ruux.
  • Sanadkii 2014 weeraro dhacay waxaa ku dhintay dad gaaraya 173 ruux.
  • Sanadkii 2015 weeraro dhacay waxaa ku dhintay dad gaaraya 147 ruux, waxaana xusid mudan in dadkaan ay ku dhinteen weerarkii Jaamacadda Garrisa.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, Miyeey Kenya heshay amaan wanaagsan tan iyo markii ay gudaha u gashay Soomaaliya?

Jawaabta waa maya,..balse waxay ka dhaxashay weeraro joogto ah iyo khasaaro xoogan, iyadoo tirada guud ee weerarada ka dhacay Kenya tan iyo sanadkii 2011 lagu sheegay 47, waxaana taas u sii dheer in Ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay weeraro joogto ah la kulmaan, haba ugu darnaatee weerarkii Isbuucii hore ka dhacay Xero milataro oo ay ciidamada KDF ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo, halkaasoo Al-shabaab ay ku dishay ku dhawaad 100 Askari.

Markii ay ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni Al-shabaab kala wareegeen Dekeda Kismaayo oo ahayd halka daqliga ugu badan kaga soo xaroon jiray, ayaa waxaa la sheegay in Al-shabaab ay weysay dhul badan oo Muhiim u ahaa, sidoo kale markii ay Diyaaradaha Drones-ka Mareeykanka beegsadeen xubno sar sare oo kooxda ka tirsan, ayaa waxaa la aaminsanaa ineey kooxda Milatari ahaan iyo dhaqaalo ahaanba laciiftay.

Sidoo kale waxaa iyana xusid mudan in Madaxweynaha Uganda Museveni mar uu ka qeyb galayay sanadkii lasoo dhaafay maalinta Xurnimada Kenya uu meel fagaaro ah ka sheegay, in Al-shabaab aysan hada awoodin ineey weerarto Xaruumo ciidan balse ay weerari karaan shacabka aan hubeysneen..laakiin weerarkii ugu dambeeyay ee Ceel-cadde ayaa meesha ka saaraya hadalka Museveni.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.