Gaas & A. Madoobe oo lagu cadaadinayo aqbalida 4.5

Cabdi Wali Gaas
Cabdi Wali Gaas

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho kullamo xiriir ah ku lahaa Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Warar hoose ayaa sheegaya, in wakiilada Beesha Caalamka ay labada masuul ku cadaadinayaan ineey ka tanaasulaan qodobka ah in Doorashada 2016 ee Soomaaliya lagu saleeyo qaab Deegaan.

Gaas iyo Axmed Madoobe, ayaa kullamo xasaasi ah la qaatay wakiilka Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho, kaasoo kamid noqday wakiilada Beesha Caalamka ee saameynta weyn ku leh siyaasada Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda in Gaas iyo Axmed Madoobe ay aqbaleen ineey ka tanaasulaan qodobkii ay ku adkeesanayeen waloow labada nin uu hada saaranyahay cadaadis xoogan.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.