Dhagayso: Kenya oo ka aar gudsaneysa shacabka Gedo

Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ku haaya Gedo
Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ku haaya Gedo

Guddoomiyaha degmada Garbaharey ee gobolka Gedo Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay duqeyn aan loo aabo yeellin ku hayaan deeggaano ka tirsan gobolka Gedo.

Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa VOA u sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyey weerarkii Ceel-cadde ay ciidamada Kenya wadaan duqeyn xiriir ah, wuxuuna sheegay in meelaha ay duqeynayaan aysan ku sugnayn sida uu hadalka u dhigay maleeshiyada al-Shabaab. Sheekh Nuur wuxuu sidoo kale ka hadlay, khasaarihii ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde.

Halkan ka dhagayso gudoomiyaha Gedo:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.