Walee Kenya waa moose Al Shabaabna weey iska arkatay

85
C / Qaadir Maxamed Cismaan"Cabdiboqor "
C / Qaadir Maxamed Cismaan”Cabdiboqor “

HORDHAC / GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Fadlan lasoco meelaha ka midabka duwan qoraalka waa Link-yo (Hyperlinks) qoraalka ku lifaaqan, kuwaasoo lagusoo ururiyey baaritaanka (Research) qoraalka, macluumaad dheeri ahna kusii siinaya hadii ay ahaan lahaayeen qoraallo, ama video-yo.

Aqritoow, waligeey waxaan maqli jiray nimanka dagaalama ee inkaarta qaba waa Itoobiyaanka-Waloow dagaalkii 77-kii aan si weyn udardarnay, kabacdina caalamka inooga hiilliyey-Balse sida la isku raacay Kenyaanka waa Moos. Wallee in moos batiitiqayna eey kajilicsan yihiin, waxeey ka muuqataa sida ay Al-Shabaab ugashay, meydadkooda meelkasta udaadsan yihiin, walina jiqda ugu kala haboowsan yihiin iyagoo firxad kala ah, sidii Tuxbax go’ay, ee waliba Al-Shabaab oo ku raadjoogta saacadkasta dhowr ciidanoo Military-ga Kenya ah jiqda kala soo baxayaan, oo eey leeynayaan.

Waa hubaal in horey eey Al-Shabaab u arkadeen Kenyaanka, kadib markii meelkastoo Kenya kamid ah, ee ay weeraraanba eey saacado dhaadheer iska heeysanayeen iyagoo waliba aad utiro yar, hubka eey wataana aad ufudud yahay, inteey rabaana isaga xasuuqayeen sidii kadhacdeyba: Westgate Mall, Garissa Univeraity, iyo dhamaan magaalooyinkii Kenya eey galeen, halka Soomaaliya meesha Al-Shabaab sooweerarto ee ay gasho, saacado kooban eey ciidamadeena qalabka sida, sida: NISA, Gaashaan iyo Alfa Group..iwm ugasoo afjaraan.

Waxaa intaa kasiidaran, oo ceeb iyo fadeexo Kenya ugu filan in abaanduulaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee Jubboyinka Col.Cabaas uu sheegay in weerarkan Kenya sida xun loogu laayey, lagasii warqabay, oo waan usheegnay hogaanka ciidanka Kenya ayuu yiri. Wuxuu sheegay in xitaa saacado kahor eey usheegeen in lagusoo dhaqaaqay. Ciidankii Kenya weey udiyaargaroobeen iyagoo hub nuuckastoo casri ah heeysta, aadna utiro badan oo ah illaa 400-ciidan Military gaaraya, hadana, waa kuwaa kabaha laga furtey, ee firxadka wada ah, ee xitaa taliyahoodii gacanta Al-Shabaab ku dhigtey isagoo dhaawac ah oo wali nool, ugu yaraan 12-askari in eey Al-Shabaab nolosha ku qabatay ayaa lagu tuhun sanyahay, qaarkood Idaacadooda ayeyba soo fariisiyeen oo kahantaatac siiyeen, meeydadkoodu xeradii dhexdeeda iyo agagaarkeeda ayuu illaa hadda daadsanyahay oo miinooyin in eey kuwada xiranyihiin ayaa Kenyaanku kabaqayaan.

Wixii nolol kubaxsan kareyna firxadkooda Kenya iyo Al-Shabaab-baa qoloba gaar uraadsaneeysaa, mid in uu badbaadiyo raba, iyo mid in uu laayo raba.

Shalay ayey aheyd markii guuto Al-Shabaab ah ee ku raadjoogay firxadka Kenya eey 4-ciidankii Kenya kamid ah, oo dhunsan meel eey aadaan, iyo meel laga xigana aan kala garaneyn, uga dabatageen iyagoo ku dhuumanaya guri odey reer baadiye ah uu iska lahaa, Al-Shabaab afartii iyo odeygii qarinayeyba meshii ayey kuwada dileen, si cidkasta uga cararto oo aaney uqarinin ciidankaa Kenyaanka ee firxadka ah.

Meeydadkii waa kuwa Al-Shabaab miinooyin ugu wada xiray, ee doraad dhimasho iyo dhawac hor leh eey kala kulmeen ciidankii Kenyaanka ahaa ee meeydadka daabuli lahaa.

Nasiibdarro! Masaakiin Soomaaliyeed oo iska reer baadiyo ah, oo waxaanba aan shuqul kulaheyn, ayey caro iyo qaraar dartii Kenya ciil kala dul dhacday, markaaseey shacabkii xasuuqeeysaa, oo Soomaaligii eey aragto oo qaangaar ahba dilayaan, madax heer qaran ah, iyo Maamul-Beeleed ka dhiidhinayana ma maqleeysid, marka laga reebo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Soomaalida ugu baaqay in eey kasoo horjeestaan duqeeymaha Kenya. Iyo Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed oo Kenya ugu baaqay in eey joojiso bartilmaansashada dadka rayidka ah. Dabacan Jubboyibka Karzai-gii Kenya baa ujooga (A.Madoobe) oo ammaantood maahane wax kale lagamaba filayee, xitaa kuwa kale ayaa wali xasuuqaa shacabkaa Soomaaliyeed kawada aamusan.Midkasta mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo xukun aan jirin buu ubaqayaa Waana nasiibdarrada inteeda la e gee ina heeysata.Wabillaahi Towfiiq.
“Run sheeg, waa ceeb sheeg”

Qoraa : C / Qaadir Maxamed Cismaan”Cabdiboqor ”
Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.
Al-Madinah International University Abdulkadirphd@hotmail.com
Minnesota, USA.

Comments