Wakiilka cusub QM ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Mechael Keating
Mechael Keating

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wakiilka cusub ee QM u qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya, kaasoo xafiiska kala wareegi doona wakiilkii hore Nicholas Kay.

Masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda, ayaa wakiilka cusub ee UN-ka kusoo dhaweeyay Garoonka Aadabn Adde ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka cusub oo saxaafada kula hadlay Garoonka, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Imaanshiyaha Mechael Keating, ayaa kusoo aadeysa xili dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah iyo xiisad siyaasadeed ku aadan doorashada 2016, taasoo madaxda Soomaalida ay isku khilaafsanyihiin qaabka lagu soo xuli doono Baarlamanka soo socda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.