Wasiir katirsan Puntland oo lagu eedeeyay inuu Mad’habka Shiicada wax ka faafiyo

Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Puntland Bashiirr
Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Puntland Bashiirr

Wasiiru doowlaha Madaxtooyada maamulka Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu taageeray Mad’habka Shiiceynta ee ay Iiraan ka wado Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland.

Qaar kamid ah Culimada masaajida Puntland, ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu taageeray Mad’habka Shiiceynta. Wasiirka ayaa si aad ah uga horyimid xiriirkii ay DF u jartay Doowlada Iiraan.

Dhanka kale Bashiir Gurxan ayaa sheegay in uu beeninayo in uu taageeray Shiicada isagoo sheegay in uu ka hadlay xiriirka loo jaray dowladda Iran ee ay u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo sheegay in war uu bixiyey uu dowladda ku dhaliilay in ay ku deg degtay xiriirka ay jartay.

Wasiirku wuxuu sheegay in uusan garanayn sababta wararkaas looga faafiyey, isagoo sheegay in warkiisa uu kaga hadlayey xiriirka Iran in uu ku koobnaa arrimo Siyaasadeed, Arrinta Shiicada ayuu sheegay in ay ka jawaabeen magaalooyinkii la shaaciyey sida Qardho iyo Muqdisho.

 

1 COMMENT

  1. ummadda soomaaliyeed waa ineey dalbato in qofkastoo ka mid ah dowlada oo xil weyn ka haayo dowlada laguna xaqiijiyo inoow shiicoobay in laga qaado xilkoow haayo ha ahaado xeer fadraal ama maamul goboleed waayo qofka shiicoobay waxoow ka baxay diinteeni xaniifka aheed ee rasuulkeena iyo asaxaabtiisu na soo gaarsiiyeen,waxoowna qaatay diin baas ay
    sameysteen shiicada iiraan taasina waxeey ku cadahay in qofkii shiicoobo ay u sameeyaan inoow markale ashahaato taasoo ka duwan tii rasuulkeenu aw na baray.

    illaaheey diinteena dadkeena iyo dalkeenaba haka dhigo kuwo ka caagan in shiico la dhaxkeeno.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.