USA: Maxkamad xukun ku riday Somali-Swedish taageertay Alshabaab.

indexMaxkamadda Brookleeyn ee magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay Labo nin oo Somali haysata Dhalashadda dalka Sweden, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay Taageeri jireen, isla markaana tababaro la soo qaateen Alshabaab.

Labada Eedeyssane oo lagu kala magacaabo  Cali Yaasiin Axmed oo 31-jir ah  iyo Maxamed Yuusuf  oo 33-jir ah ayaa la sheegay inay sannadkii 2008-dii ka ambabaxeen dalka Sweden, kuna biireen Xarakadda Alshabaab.

Garsooraha Maxkamadda Brookleyn, John Jelisson ayaa sheegay in Eedeysanayaasha laga soo qabtay dalka Jabuuti bishii August ee sannadkii 2008-kii, iyagoo ka yimid Somalia, kuna sii jeeday Yemen, si ay ugu biiraan Alqaacidada Gacanka Carbeed ee loo yaqaano AQAB.

Garsooruhu, waxa uu labadaa Eedeysane ku xukumay min 11-sanno ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxay dib u dhigtay Dacwad loo haysto Mahdi Xaashi oo ah Somali-British, kaasi oo lala soo qabtay Labada Eedeysane ee xukunka lagu riday.

Dowladda Britain waxay horey u sheegtay inay Mahdi Xaashi kala laabten Aqoonsiga Muwaadinimadda British, kadib, markii uu ku biiray Alshabaab, laguna soo oogay inuu tababar iyo taageero u fidiyey Alshabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

1 COMMENT

  1. Waa sharci darro in muwaadin Soomali ah dal uusan u dhalan ama uusan ka heysan sharci  lagu soo eedeeyo argagixisonimo, kadibna lagu maxkamadeeyo..

    Dowladda mareykanka waa iney joojisaa ugaarashada & qab qabsashada aan sharciga ahayn  ee ka dhanka ah dadka asalkooda yahay Soomaalida oo ay ka soo qabsaneyso dal aan dalkeeda aheyn, iyadoo la og yahay xaaladda adag ee islaanimo naceyb oo ay wajahaan dhaman muslimiinta ku nool dalka mareykanka.

    Safiirka Somaliya u fadhiyo & jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ka ku nool waa iney xil WEYN ISKA SAAARAAN SIDII AY U OGAAN LAHAAYEEN SOOMALIDA KU JIRTO XABSIYADDA MAREYKANKA..

    Dowladda mareykanka waxay si aan shaciga caalamka waafaqsaneyn mashquul ugu tahay.. iney dadka muslimiinyta ah ka dhigto dambiilayaal.. iyadoo aan intooda badani wax shaqo ah ku lahayn falal lid ku ah amniga.

    Dowladda mareykanka waa iney bilaa sharuud sii deysaa, xoriyadoodana siisaa dhamaan muwaadiniinta soomaalida ah  ee qaabka  Burcadnimada ah loogu heysto dalka mareykanka…

    Xornimo,cadaalad & madax banani buuxdo..

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.