Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeymo ku asqeeyay deegaanka Ceel-cade

indexWararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ku asqeeyeen halkaas.

Duqeynta diyaaradaha Kenya, ayaa yimid kadib markii dagaalyahano Al-shabaab katirsan ay maanta barqadii la wareegeen saldhig ay ciidamada Kenya halkaas ku lahaayeen, islamarkaasina ay dileen tiro badan oo ciidamada Kenya ka tirsan.

Goobjoogayaal ku sugan halka duqeynta ka dhacday, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in duqeynta badankeeda lala beegsaday dad xoolo dhaqato.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.