Warbixin: Shirka Kismaayo oo weli laysku mari la’yahay & Jawaari oo ku biiray…

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kismaayo lagu soo dhaweeyay

Waxaa wali magaalada Kismaayo ka soconaya shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka ku saabsan qaabka doorasho ee dalka marka uu xiligeeda dhamaado Doowlada hada jirta.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, oo doraad galab gaaray Kismaayo, uu C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe u sheegay inuu Galabta oo Khamiis ah uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho hadii heshiis la gaaro iyo hadaan la gaarin, waxaana taas ay sii murjisay xaalada shirka oo awalba Khilaaf xoogani uu ka taagnaa.

Madaxda DF iyo kuwa Maamul Goboleedyada, ayaa isku haya afartaan qodob:

  1. 1-Axmed Madoobe & Gaas, ayaa qaba fikirka ah in qaab deegaan lagu soo xulo Xildhibaanada.
  2. 2-Madaxweyne Guuleed, ayaa qaba in Dowlad Goboleedyo lagu soo xulo Xildhibaanada.
  3. 3-Shariif Xasan, ayaa isna aaminsan in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Xildhibaanada.
  4. 4-Beesha Caalamka & Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari, ayaa iyaguna qaba in mudo kordhin 2 sano ah loo sameeyo Baarlamanka Federaalka ee hada jira, si ay doorasho u dhacdo laguna sooa dooranayo Gudoonka Baarlamanka iyo Madaxweyne.

Dhinaca kale warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya, in Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, uu ku biiray garabka Shariif Xasan iyo Madaxweyne Xasan Shiikh, oo iyagu taageersan in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Xildhibaanada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha shirka Kismaayo kala soco Midnimo.com

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.