Dabageed: Odoyaasha ka hadlay Beledweyne waa kuwii saxiixay in Jowhar la tago

Yuusuf Axmed Hagar Babo Geed
Yuusuf Axmed Hagar Babo Geed

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Daba-geed”, ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday hadal dhawaan kasoo yeeray qaar kamid ah Odoyaasha Gobolka Hiiraan, kuwaasoo sheegay ineey qaadaceen shirka Jowhar.

Gudoomiye Daba-geed, waxa uu sheegay ineeysan jirin wax laga dhisi karo magaalada Beledweyne oo aan ka ahayn wixii kasoo baxa shirka Jowhar, wuxuuna intaas ku daray ineeysan wax micno ah sameeyneen in laga hadlo Tv-yada iyo Idaacadaha.

“Odoyaasha Beledweyne ka hadlay, waa kuwii saxiixay in la tago Jowhar” ayuu yiri Gudoomiye Daba-geed.

Halkaan ka dhagayso codka Daba-geed:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.