Shirka Jowhar oo maanta furmaya & Madaxweyne Xasan oo halkaas ku wajahan

Xasan Shiikh oo booqasho ku tegay Jowhar
Xasan Shiikh oo booqasho ku tegay Jowhar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelin doono wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka soo gala jeeda Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo shirka maamul u samaynta Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Shirkan oo ay hore dowlada Federalka u qorsheysay inuu soo dhamaado bishii hore ee December 2015 ayaa la kulmay dib u dhacyo sababo kala duwan lahaa.

Shirkan ayaa shirarkii hore maamul u sameynta ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo Cadaado waxa uu ugaga duwan yahay iyadoo magaalada Jowhar ay ku taal meel aan wax badan ka fogeyn caasimadda, gaariga ka baxa magaalada Muqdishana aysan ku qaadanayn wax ka yar 3 saacadood.

Magaalada Beledweyne iyo magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin dooneysa in ay ka qeybgasho doorashada xilalka ugu sarsareeya maamulka sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.