Sawiro: Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray garoonka Boosaaso

Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray garoonka Boosaaso
Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray garoonka Boosaaso

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta xadhiga ka jaray garoon diyaaradeed cusub oo laga furay magaalada Boosaaso.

Garoonka Caalamiga ee magaalada Boosaaso ee maanta la furay ayaa waxaa maal gelissay dowladda Talyaaniga, waxaana dhismihiisa hirgelisay shirkad dhismo oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in Puntland ay u furan tahay in cid kasta ay maal-gashi ku sameysato.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka garoonka cusub ee Boosaaso ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

This slideshow requires JavaScript.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.