Daaciish oo dagaalyahano ka qoraneysa gudaha Muqdisho

Daacish iyo shabaab oo dagaalamay
Daacish iyo shabaab oo dagaalamay

Xoogaga Daacish oo iyagu maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq xoogan ka waday deegaanada Jubooyinka, ayaa hada lagu soo waramayaa ineey dagaalyahano cusub ka qoranayaan gudaha magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya.

Warar Hoose, ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay qabteen ilaa 12 ruux, kuwaasoo ku howlanaa tashkiilinta dhalinyaro u dagaalanta Daacish, iyagoo si gaar ah u beegsanayay dhalinyarada shaqa la’aanta hayso.

Meelaha ay sida gaarka ah Daacish dhalinyarada kaga qoraneyso, ayaa waxaa lagu sheegay Kaamamka barakacayaasha, Iskuulada,Goobaha Isboortiga iyo Masaajida.

Daacishta Soomaaliya, ayaa hada dagaal kulajirta ururka Al-shabaab kahor inta aysan usoo jeesan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF.

Waxaa xusid mudan in Daacishta Soomaaliya ay ka aas aasmeen Buuraha Gal-gala ee Puntland, kadib markii wadaadka mayalka adag ee Shiikh Cabduqaadir Cali Muumin oo Al-shabaab u qaabilsanaa Bari uu dabayaaqadii sanadkaan sheegay inuu ku biiray Daacish.

1 COMMENT

  1. midnimo waxaad tihiin meelaha ay shacabka soomaaliyeed kala socdaan xaaladaha wadanka marka waxaa wanaagsan in aad hubisaan wararka qaarkood ,waxaa kaloo wanaagsan in laga dheeraado waxyaabaha shacabka ku beeri karo qalqalka iyo cabsida waayo daacish ayaa muqdisho lagu abuurayaa waa arrin aad u cabsi badan.
    illaahey waxaan ka baryaynaa hadii qorshahaanu jiro inoow noqdo midkii meeshow ku dhashay lagu gubo oo aan wadankeena raad ku yeelan inshaa allaah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.