Maxaa iska bedelay 2016 xidid siibka UNHCRta Hindiya ay ku hayso Soomaaliyeed

UNHCR
UNHC

Waxa ayaan ku howlnaa mudo sanado ah waqtigayna iga qaatay intabadan si aan u arrurin lahaa macluumaad xasaasi ah oo ku saaban tirada rasmiga ah ee qaxootiga Soomaaliyeed ku dhimatay amaba ku nafwaayay wadanka Hindiya iyagoo qaxooti ama qaxooti doon ah, ka soo bilaabo sanadka marka uu ahaa 2000 ilaa haatan oo la maraayo 2016, waqtigaas soomaalidu ay xooli u imaaanayeen wadankaasi iyagoo kala ulajeedooyin duwanaa wallow arday iyo qaxooti loo badnaa.

Inta aan isbitaalada ka xaqiijiyay ayaa kor u dhaafay 668 qof oo Soomaali ah,waxa ayna dhinteen inta u dhaxaysay 2000-2016 oo haatan dhashay xidid siibkii UNHCRtuna waa uu sii jimbaarmay,weliba intaa waxa ayaa dheer musuqmaasuqa xididaystay ee ay ha’adu ku hayso dadyoga dhibaataysan ee qaxootiga ah waxa ayaana heshiis ku ah xisbigii markaas tallada wadanka qabta kaas oo ay iska laaluushaan waa sida aan ku hayo dad siyaasiin ah oo arrintaan foosha xun ka xun.

Inta badan ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen dad qaxooti ah isla markaana ka diiwaan gashnaa hay’ada jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan qaxootiga ee marka la soo gaabiyo magaceeda loo magacaabo (UNHCR).

Arrintaan ayaa ah taariikh amaba baal madow ee soo marta nolosha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadaan ku faana diqmuraadiyad isla markaana meel uga dhacaya waxa ay reer galbeedku ugu yeeraan huqul intaanka.waxa ayaa la aaminsan yahay in ay keentay dayacdarro caafimaad oo soo food saartay sanadihii ugu danbeeyay marka lagu soo bilaabo sanadkii 2010 markaa oo jarayn gebi ahaanba macaawinadii ha’ada qaxootigu ay siin jiray qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Hindiya guud ahaanba loona wareejiyay arrimo gaar ahaaneed, waana arrin ugub ah oo ku cusub dhegaha caalamka, waana arrin ka baxsan sharciga u yaala arrimaha qaxootiga aduunka,Hindiya ayaa dad badani la yaaban yihiin musuqmaasuq intaa la eg ee galaaftay cadadka qaxootiga ah oo intaa la eg.

Cabashada isdaba jooga ah ee ka imaanaysa qaxootiga Soomaaliyeed ayaa meelo badan loo kala diray sida xafiiska dhex UNHCR geneva iyo weliba dowlada Hindiya ilaa haatana jawaab rasmi ah lagama helin,wallow ay ha’adu ku mashquulsan tahay madaxa qaybtaan Hindiya waana markii seddaxaad ee la bedelo welina haba yaraatee wax iska bedelay ma jiraan dhimashada is daba taal ee qaxootiga Soomaaliyeed ee wadakaan Hindiya amaba musuqmaasuqa ku socda xowliga ee la degay sumcadii ha’adaani, waana arki doonee jawaabta ka soo baxda iyo weliba go’aanka lagaga qaato qaxootiga Soomaaliyeed ee ku le’anaaya kuna baaba’ya isla markaana lagu xidid siibaayo wadanka Hindiya.

By:Kassim Isse Dhuhulow (mr.blackgold),
Freelance and advocate for Somali Community in India,
Tell.no:(91) 8375076307/9171775140,
New Delhi-India.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.