Puntland oo maanta maxkamadeyneysa ajaanib ku eedeysan..

MAXKAMADAMaamulka Puntland, ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay  maxkamadeynayaan labo nin oo u dhashay dalka Indonesia, kuwaasi oo ku xiran Deeganada Maamulkaasi.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta lasoo taagayaa Mohli Batiwawa oo ah 46-sano Jir u dhashay dalka Indonesia iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir u dhashay dalka Indonesia, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Labadaan nin ayaa kamid ahaa 14 shaqaale oo lagasoo badbaadiyay dooni kalluumaysi oo bishii August ee sanadkaan ku degtay xeebta deegaanka Gaalo-Ood ee katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Puntland ayaa labadaan nin ka reebtay shaqaalaha kale ee doonidaas la socday, waxaana lagu eedeeyay inay iyagu masuul ka ahaayeen doonida oo wadatay shati kalluumaysi oo sharci darro ah islamarkaana ay saarnaayeen kalluun gaarayay 46 tan.

Doonta ay wateen xubnahan aya aka diiwaangashneyd dalka Yemen, hayeeshe waxaa laga lahaa Waqooyiga Kuuriya.

Labadaan nin ayaa horey kiiskooda dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid qareen Siciid Cabdi Muumin oo udoodaya eedeysanayaasha, waxaana maanta lagu wadaa in arrintooda lasoo gabagabeeyo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.