Sawiro: Odowaa oo kormeeray halka lagu qabanaayo shirka Jowhar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefdigii uu hogaaminaayay ee maanta gaaray Magaalada Jowhar, ayaa soo kormeeray xarunta lagu qabanaayo shirka iyo dhisme kale, oo loogu talla-galay in la dejiyo ergada Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Magaalada Jowhar waxaa lagu wadaa inay martigeliso Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoona toddobaadyada soo socdo lagu wado in si rasmi ihi uu kaga furmo. Ergada labada gobol ayaa qaarkood bilaabay inay gaaraan Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa wefdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha soo tusiyay xarunta lagu wado in shirka uu ka qabsoomo iyo dhismaha kale ee loogu talla-galay in ergada la dejiyo.

Wasiir Odawaa waxaa kormeerkiisaan ku wehlinaayay wefdigiisa oo kala ah, Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka, Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaano ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Gaba gabadii kormeerkan, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiir Odawaa oo ku dhawaaqay in Magaalada Jowhar, ay diyaar u tahay martigelinta Shirka Maamul U Samaynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiir odawaa, ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku wargeliyay inay xil iska saaraan amniga Magaalada Jowhar, isla-markaana ay qaadi doonaan masuuliyadda ammaanka Magaalada.

This slideshow requires JavaScript.

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Amisom, ayaa waxay adkeeyeen ammaanka Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, maadaama ay diyaargarow ugu jirto martigelinta shirka lagu wado in Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu soo dhiso.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.