Odowaa oo shaaciyay xiliga uu furmaayo shirka Jowhar

Wasiirka arrimaha gudaha "Odowaa"
Wasiirka arrimaha gudaha “Odowaa”

C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa”, oo ah wasiirka arrimaha gudaha DF, ayaa maanta shaaciyay xiliga uu furmaayo shirka magaalada Jowhar ee maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka, ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu furmaayo shirka islamarkaasina maalinka rasmiga ah ee uu furmaayo shirka ay dib kasoo sheegi doonaan. sidoo kale wasiir Odowaa ayaa sheegay in jidka u dhaxeya Jowhar iyo Muqdisho la dhigi doono ciidamo farabadan oo suga amaanka.

Wafdi wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira, ayaa shalay tegay magaalada Jowhar, kuwaasoo usii xaar xaaraya sidii uu u furmi lahaa shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.