Guardiola oo soo gaaray Kenya, si uu qoyskiisa halkaas ugula qaato..

Tabaraa Bayern Guardiol
Tabaraa Bayern Guardiol

Macalinka kooxda Bayern Peb Guardiola oo kamid ah macalimiinta dunida loogu jecelyahay iyo qoyskiisa ayaa soo gaaray dalka Kenya. Guardiola ayaa waxaa wehliya xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Tababaraha Bayern waxa uu shalay ka soo dagay gegida caalamiga ah ee Jomo Kenyataa (KKIA) waxaana la socday xaasikiisa Christina Serra iyo caruurtiisa Maria Guardiola, Marius Guardiola iyo Valentina Guardiola.

Markii uu ka soo dagay diyaarada waxa uu sawiro waliba nocoya hore la isaga qaado (Selfie) la galay qaar ka mida taageereaashiisa oo uu ugu horeeyey gobol-natooraha Mombasa County Ali Hassan Joho.

“Xaqiiqdii aad ayuu ugu faraxsan yahay in uu halkan qoyskiisa la joogo,’ ayuu yiri Joho kaas oo kala soo dagay Guardiola diyaarada Emirates oo ay Dubai ka soo wada raaceen.

“Pep waxa uu sheegay in uu halkan joogi doono ilaa iyo sanadka cusub laakiin waxa uu doonaya in aan joogidiisa la dareemin madaama uu rabo in uu nasiino ka qaato qoyskiisa,” ayuu yiri Joho.

Gobol-natooraha Mombasa waxa uu sheegay in uu tababaraha dunida sida weyn looga qiimeeyo ku soo dhoweeyey Kenya halka uu sidoo kale ku marti qaaday tamuuxda cad ee xeebta Mombasa (Carada).

Imaansha Guardiola ee Kenya waxa ay halkeedii ka sii amba-qaadeysa booqashada ay sida joogtada ah ugu yimaadaan dadka dunida ugu caansan (Celebrities).

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.