Faah-Faahinta dagaal 5 saac socday oo xalay ka dhacay Qoryooleey

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay xalay weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona dagaal culus la galay Ciidamada Dowladda.

Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey
Al-shabaab oo la wareegtay Qoryooleey

Shabaabka oo soo jiiray fariisimaha Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa u suurtagashay inay la wareegaan qaybo ka mid ah Degmada Qoryooley, sida iyagoo hadda ku sugan Xarunta Maamulka Degmada.

Afhayeenka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xuseen Maxamed (Shiine), ayaa wuxuu qiray in Shabaabku ay qabsadeen Xarunta Degmada, balse ay dib kaga saareen Ciidamada Amisom oo dagaalka ku soo biiray, sida uu yiri.

Dadka deegaanku waxay xaqiijiyeen in Shabaabku ay weli ku sugan yihiin qaybihii ay dagaalka ku qabsadeen, isla-markaana uu iminka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya Amisom iyo Shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkan, ayaa wuxuu sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh. Waxaa la soo sheegayaa in ka badan 10 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay inay ku dhimatay dagaalka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.