Turkiga oo saldhigyo Milatari ka furanaya Soomaaliya

sssss-620x330Dowladda Turkiga ayaa 19-kii Bishan December waxa ay heshiis la gaartay Dowladda Qatar,waxaana Dalka Turkiga uu Saldhig Ciidan ka sameysanayaa Dalkaasi.

Saldhigaas ayaa loo qorsheeyay inay xarun u noqdon 3,000 oo Askari oo Turki ah,waxaana ay sheedda kala soconayaan waxqabadka awoodaha ku tartamaya Bariga dhexe sida Iran,Daacish,Sacuudiga,Ruushka iyo Reer Galbeedka.

Dan-jiraha Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Qatar Ahmet Demirok oo ka hadlay heshiiska dhexmaray Dowladda Qatar iyo Dalkiisa ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay ballarineyso Saldhigyada Milatari ee ay ku leedahay Dunida,waxaana uu intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Saldhigyo Milatari ka furan doonaan Waddamada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Qatar waxaa ay fursad u heli doontaa in ay Dhoollatus Milatari wada sameeyaan Ciidamadeeda iyo kuwa Turkiga,sidoo kalena ay Saldhig ku yeelato Dalka Turkiga qudhiisa.

Dooxa waxaa ku yaalla Saldhigga Milatari ee ugu weyn Mareykanka ee Bariga dhexe ku yaalla,waxaana halkaas ku sugan 10,000 oo Shaqaale Milatari ah.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.