Al-shabaab oo dishay saraakiil ka tirsan Booliska Kenya

images (4)Warbaahinta Madaxa Bannaan ee dalka Kenya waxay duhurnimaddii maanta baahiyeen in 2 ka tirsan Saraakiisha Boliska Kenya la dilay, 2 kalena la dhaawacay, kadib, markii ay Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab jidka u galeen gaadiid ay wateen Ciiddankaasi.

Wargeyska The Standard waxa uu qoray inuu Weerarkaasi ka dhacay Jidka isku xira Degmadda Ceel-waaq iyo Deegaanka Lafey ee hoos taga Degmadda Mandera.

Kolonyadda Gaadiidka Boliska Kenya ee la weeraray waxay gelbinayeen Taliye cusub oo loo soo magacaabay Deegaanka Banisa oo ku yaalla duleedka Deegaanka Raxamu.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.